Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane Yuusuf Warsame Xassan ayaa ka qaybgalay Dood-cilmiyeed lagu falanqaynayey "Hal-abuurka Tiknoolajiyadda, Fursadaha Ganacsiga"

Mr. Yuusuf Warsame Hassan, Director General of the Ministry of ICT, launched the Fagaaraha Hal-abuurka Program at the Somaliland Innovation Zone. This program is intended to empower scientific discussions and research studies of Technology. The third debate of this program was held last night, which featured (Digital Innovation, Entrepreneurship, Opportunity, and Social Adaption). Many authorities, academics, and young people attended and were enabled with the opportunity to meet a variety of experts.
#fagaaraha_halabuurka
#ministryofICT
#TaiwanICDF
#SIZ
^^______________________________________________________________^^
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane Yuusuf Warsame Xasan ayaa ka qaybgalay Dood-cilmiyeed lagu falanqaynayey "Hal-abuurka Tiknoolajiyadda, Fursadaha Ganacsiga iyo La-qabsiga Bulshada" taasi oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Hal-abuurka Somaliland oo ay Hirgalisay Wasaaradda Isgaadhsiintu.
Dood-cilmiyeedkan oo ay ka soo qayb-galeen masuulliyiin, aqoonyahan iyo dhallinyaro aad u tirro baddan ayaa ujeedaddiisu ahayd, in lagu kulmiyo aqoonyahanka dalka iyo dhallinyarada leh hanka hal-abuurka si ay uga faa’iidaystaan tallooyinka iyo tilmaamaha ay bixinayaan aqoonyahanku.
Ugu danbayntii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leeyihiin dooddaha la isku waydaarsanaayo fikraduhu, isla markaana sheegay in ay wasaaradda ka go’an tahay dhiirigelinta dhallinyarada ee xaga tiknoolojiyaddu.