​​​​​​​Agaasimaha guud ee Wassaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknolojiyadda JSL Mud: Axmed carab muuse ayaa daahfuray tababarka garaadka-macmalka ah (Artificial intelligence)

Agaasimaha guud ee Wassaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknolojiyadda JSL Mud: Axmed carab muuse ayaa daahfuray tababarka garaadka-macmalka ah (Artificial intelligence) oo adeegsigeeda aduunku u guuray ugana faaiidaystay si togan, islamarkaana wax weyn ka taray korniinka dhaqaalaha wadamada adeegsaday.
Hadaba iyada oo taa laga duulayo ayaa Xarunta Hal-abuurka Somaliland Innovation Zone ee ay hirgelisay wasaaraddu lagu tababari doonaa 160 Arday oo ka socda Jaamacadaha dalka, si ay dalka ugu soo kordhiyaan hal-abuurro la xidhiidh Garaadka Macmalka ah.
Tababarkan ayaa daba socday war-murtiyeedkii kasoo baxay shirwaynihii qaran ee ICT-ga 2024, kaasi oo ay kamid ahayd in cududda dhalinyaradda Somaliland la dhiso laguna qalabeeyo teknoolojiyadda casriga ah si ay ula jaanqaadaan aduunka ugana sameeyaan shaqo-abuur aan ku koobnayn Somaliland.
Tabarradan ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Xafiiska maalgashiga ee TaiwanICDF.