Waxa Xarunta Hal-Abuurka ee "Somaliland Innovation Zone" lagu daah-furay dufcadii 3aad ee tababarka kobcinta adeegsiga Tiknoolojiyadda ee laamaha dawladda.

Waxa Xarunta Hal-Abuurka ee "Somaliland Innovation Zone" lagu daah-furay dufcadii 3aad ee tababarka kobcinta adeegsiga Tiknoolojiyadda ee laamaha dawladda.
Tobabarkan oo ay iska kaashadaan Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda iyo Xafiiska Maalgashiga ee Taiwan ICDF ayaa ku saabsan Aasaasiyaadka Adeegsiga Tiknoolojiyadda kaas oo ay ujeedadiisu tahay:
1.Horumarinta doorka ICT ee Qaranka.
2.Kor uqaadida iyo tayeynta heerka xirfadda ICT ee shaqaalaha dawladda.
3.Abuurista kaabayaasha ICT-ga iyo bixinta adeeg wanaagsan.
4.Yaraynta faraqa u dhexeeya xirfadaha ICT-ga ee laamaha dawladda si ay iskula jaan qaadaan uguna xidhnaadaan isbeddellada tiknoolojiyadda ee dunidda.
Tababarkan oo ay hore u dhamaysteen 4 Wasaaradood waxa maanta loo furay labada wasaaradood ee kala ah Wasaardda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta iyo Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska, Waxaana ka faa’iidaysan doona 30 ka mid ah shaqaalaha Wasaaradahan.
^^___________________________________^^
The third batch of Tech development training programs has launched in the Somaliland Innovation Zone, which was co-ordinated by the Ministry of ICT and Taiwan ICDF.
The goals of the training program are:
1. Expanding ICT's Role in the Nation.
2. Improving and broadening government employees' ICT skills.
3. Creating a strong ICT infrastructure.
Four ministries have already completed this program. Today is officially launched to the Ministry of Information, Culture, and National Guidance and the Ministry of Employment, Social Affairs, and Family.
#MICT
#TawianICDF