
Xaflad balaadhan oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Hal-abuurka Somaliland islamarkaana ay ku qalinjebinayeen dufcado kala duwan oo dhamaystay Tababaro kala duwan.
Xaflad balaadhan oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Hal-abuurka Somaliland islamarkaana ay ku qalinjebinayeen dufcado kala duwan oo dhamaystay Tabbabaro kor loogu qaadayay "Kobcinta Adeegsiga Tignoolajiyadda" ayaa habeenkii xallay lagu qabtay Hotel Assod ee Magaalada Hargeisa.Tabbabaradan oo in Muddo ah ka socday Xarunta Hal-abuurka ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey in kabadan 200 qof oo ka kala socday: Shaqaalaha Wasaaraddaha Dawladda, Ciidamadda kala duwan ee Qaranka, Dadka Maqalka Naafada ka ah iyo Dhallinyarada Jaamacaddaha.
Tababaradan ayaa Ardaydu ku barteen dhinacyo kala duwan oo la xidhiidha Tignoolajiyadda casriga ah sida: Ilaalinta Xogta, Cillad-bixinta Agabyadda Tiknoolojiyadda, Isku Xidhka Shabakaddaha, Maamulidda Agabka Xogta lagu Kaydiyo, Maamulka Mareegaha iyo Suuq Gaynta Casriga ah.
Munaasibaddan lagu soo xidhayey Tabobaradan ayaa waxa kasoo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Dr. Cabdiweli Cabdillaahi Suufi, Safiirka Taiwan u jooga Somaliland Mr. Allien, Xog-hayaha guud ee Haayadda maal-gashiga Taiwan ICDF Mr. Timothy, Wasiir ku Xigeennada Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda, Ganacsiga, Arrimaha Bulshada iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknolojiyadda.
Ugu Dambeyntii, Munaasibaddan oo si heersare ah u dhacday, ayaa waxa halkaa lagu gudoonsiiyey Shahaadooyin dhamaan ardaydii qalin jebisey.
#ministryofICT
#TaiwanICDF
#SIZ