Barnaamijka Waxqabadyadda kala duwan ee Xarunta Somaliland Innovation Zone..... Full Documentary
Xarunta Hal-abuurka Somaliland "SOMALILAND INNOVATION ZONE" mudadii koobnayd ee sanadka ahayd ee ay shaqaynaysay waxa ay kutalaabsatay horumar balaadhan, taas oo xaruntu intii ay jirtay ay fulisay tababaro kala duwan oo ay ka faaidaysteen dhalinyaro kabadan 500 oo isugu jira shaqaalaha laamaha Dawladda, Ciidamada, dhalinyarada Jaamacaddaha kabaxday iyo dadka maqalka naafada ka ah.xarunta oo kaashanaysa xafiiska maalgeshiga ee TaiwanICDF waxay bixisay Tababaro, kuwaasoo dhalinyarada iyo shaqaalahu ku barteen dhinacyo kala duwan oo la xidhiidha Tignoolajiyadda casriga ah sida: Ilaalinta Xogta, Cillad-bixinta Agabyadda Tiknoolojiyadda, Isku-Xidhka Shabakaddaha, Maamulidda Agabka Xogta lagu Kaydiyo, Maamulka Mareegaha iyo Suuq Gaynta Casriga ah.
Ugu dambeyntii xaruntu waxay dhalinyarada kataageertaa tababarada dhinaca Tignoolajiyadda,Hagitaanka dhalinta ee dhinaca suuq-gaynta casriga iyadoo tartano uqabatay islamarkaana siisay goobo ay kushaqaysan karaan ( Incubation Space) iyo barnaamijyo Maalgelineedba (Seed Funding).
#MinistryofICT
#SIZ
#TaiwanICDF