Xarunta Hal-abuurka ee somaliland innovaton zone ayaa qaar kamid ah ardayda  jaamacadaha dalka ee barta culuumta tiknoolajiyada ku tababari doonta barnaamijka full stack development.

 Xarunta Hal-abuurka ee somaliland innovaton zone ayaa qaar kamid ah ardayda  jaamacadaha dalka ee barta culuumta tiknoolajiyada ku tababari doonta barnaamijka full stack development.
Barnaamijkan ayay ardaydu ku baran doonaan dhisida website yo casri ah iyo barnaamijyo loo adeegsan karo qaybaha kala duwan ee adeegyada Tiknoolojiyadda (mobile apps) 

Xaruntu waxa ay diirada saaraysaa in barnaamijkani noqdo mid faa ido u yeesha ardayda baranaysa isla markaana ay awood u yeelan doonaan inay soo saaraan barnaamijyo qayb ka noqon kara adeegyada bulshada ee dhanka Tiknoolojiyadda. 

Barnaamijkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ay xaruntu bixiso ayaa xooga lagu saari doonaa in lasoo saaro arday ka dhex muuqan kara tartanka loogu jiro soo saarista adeegyada ku dhisan Tiknoolojiyadda casriga ah.