Xaflada xidhitaanka dufcadii 11 aad (Batch 11) ee wax ka barata xarunta somaliland innovation zone.

Xaflada xidhitaanka dufcadii 11 aad (Batch 11) ee wax ka barata xarunta somaliland innovation zone.

wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda Mudane Dr. Abdisalam Hussain Awale iyo agaasimaha guud Mudane Aadan cabdi cabdule ee wasaarada ayaa si rasmi ah tababarka ugu soo xidhay dufcadii 11 aad ee wax ka barata xarunta Hal-abuurka ee somaliland innovation zone.
Munaasibadan oo ay goob joog ka ahaayeen madax kala duwani ayaa ka qabsoontay hoolka xafladaha ee Hotel Damal ee magaaladda Hargaysa halkaas oo in ka badan 400 oo arday ay kusoo gabogabayeen tababaradii kala duwanaa ee ay xaruntu siisay.

Xarunta oo la aas aasay sanadkii 2021 ayaa ku guulaysatay inay soo saarto arday aad u tiro badan oo lagu tababaray xirfadaha Tiknoolajiyadda kuwaas oo dhalinyarada ka caawiyay shaqo abuurka, buuxinta adeegyada looga baahan yahay suuqyada Tiknoolajiyadda iyo inay bixin karaan adeeg hufan.

Xaruntu waxay ku dadaashay inay tababaro kala duwan ay siiso dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida ardayda jaamacadaha, dugsiyada sare,ciidamada kala duwan iyo shaqaalaha dawlada kuwaas oo qaatay tababaro ka caawinaya adeeg bixinta,shaqo abuurka iyo habsami u isticmaalida qalabka kala duwan ee Tiknoolajiyadda.