XIDHITAANKA TABABARKA NASHQADAYNTA SAWIRADDA IYO MUUQAALADDA

Xarunta hal-abuurka Somaliland Innovation Zone ayaa tababar mudo bil ah usocday usoo xidhay arday ka kala socotay qaybaha kala duwan ee bulshada oo dhamaysatay tababar kusaabsan Naqshadaynta sawiradda iyo habaynta muuqaaladda ( Multimedia & Graphic design).
Tababarkan oo ka mid ahaa tababaro ka socda xarunta ayaa ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa barashada cilmiga la xidhiidha tiknoolojiyadda, si loo helo dhalinyaro dabooli karta baahiyaha adeegsiga tiknoolojiyadda ee guud ahaan dalka. Hawshan waxaa iska kaashaday Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda iyo Xafiiska Maalgashiga ee TaiwanICDF.
Gebagebadii Waxa ay ardaydu soo bandhigeen projectiyo kala duwan oo ay diyaariyeen.
#MinistryofICT
#TaiwanICDF
#SIZ
#Hargeisa